Xisbiga Jubilee oo berri yeelanaya kulan baarlamaani ah

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa lagu wadaa inuu berri oo isniin ah uu yeesho shir ay ka qeyb galayaan xidhibaannada baarlamaanka ugu jiro.
Arrinkan ayaa lagu sheegay bayaan uu xisbigu soo saaray.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ah madaxa Jubilee ayaa kulankan shir guddoomin doono.
Kulanka oo ka dhacaya xarunta caalamiga ee shirarka ee KICC magaaladatani Nairobi ayaa billaaban doono 9-ka subaxnimo.
Xisbiga Jubilee ayaa shir hore oo uu ku yeeshay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House waxaa uu xilka laga qaaday qaar ka mid ah hoggaamiyaashii aqalka sare sida senetarrada Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here