Xisbiga Jubilee oo diidan in maxkamadda sare ay dhageysato kiis ka dhan ah Murkomen

Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa ka soo horjeestay in maxkamadda sare ee wadanka ay qaaddo dacwad la xiriirta go’aankii maalmo ka hor xilka looga qaaday hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika oo siyaasiyiinta tirada badan ee senate-ka u qaabilsan dhanka nidaamka.
Waxaa uu xisbigu ku doodayaa in maxkamadda sare aynan awood dastuuri ah u lahayn inay kiiskan dhageysato.
Dokumeentiyo ay Jubilee gudbisay ayaa lagu sheegay in senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet iyo dhigiisa Nakuru laga doonayo inay adeegsadaan qaabka lagu xalliyo murannada siyaasadeed ee ku qeexan sharciga xisbiyada .
Qareenka matalaya xisbiga oo lagu magacaabo Njoroge Regeru ayaa hoosta ka xarriiqay in cabashada labadan mas’uul loo baahan yahay inuu dhageysto guddiga qaabilsan xal ka gaaridda khilaafyada siyaasadda salka ku haya.
Mr. Murkomen iyo Mrs. Kihika ayaa maxkamadda tagay iyagoo doonaya in la hakiyo go’aankii xilalka hoggaanka ee aqalka sare looga xayuubiyay.
Kiiskan ayaa mar kale la soo hadal qaadi doonaa 11-ka bisha lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here