Xisbiga Jubilee oo isbeddel ku sameeyay hoggaanka baarlamaanka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ahna hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa maanta shir guddoomiyay kulan lagu qabtay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, magaaladatani Nairobi.
Qoraal ay dhawaan soo saartay afhayeenka State House , Kanze Dena Mararo ayaa lagu xusay in shirka ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenka dalka ahna hoggaamiyaha labaad ee xisbiga Dr. William Ruto , xoghayaha guud ee Jubilee Mr. Raphael Tuju iyo 212 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka.
Waxaa shirka lagu ansaxiyay in guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin B Muturi , guddoomiye ku xigeenka Moses Cheboi , hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna mudanaha deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale iyo Jimmy Angwenyi oo ku xigeen u ah inay xilalkooda sii hayaan.
Sido kale waxaa xilkii uu hayay laga qaaday xildhibaanka bariga Mumias , Benjamin Washiali oo siyaasiyiinta Jubilee u qaabilsanaa dhanka kala dambeynta ee golaha sharci dejinta waxaana lagu beddelay Emmanuel Wangwe oo baarlamaanka ku matalo shacabka deegaanka Navakholo.
Sido kale Mrs. Cecily Mbarire oo baarlamaanka si magacaabid ah ku gashay ku xigeena u ahayd Washiali ayaa waxaa xilkeeda la wareegay mudanaha deegaanka Waqooyi Igembe ,Richard Maoka Maore .
Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda iyo qondeynta dhaqaalaha ee baarlamaanka Kimani Ichungwah ayaa sido kale xilkan sii hayn doono .

Tani ayaa ku soo aadaysa maalmo un kaddib markii shir kale oo halkaas ka dhacay xilka looga xayuubiyay hoggaamiyihii aqlabiyadda ee aqalka sare Kipchumba Murkomen, guddoomiye ku xigeenkii Senate-ka Prof. Kithure Kindiki iyo senetarka ismaamulka Nakuru sido kalena ahayd mas’uulka siyaasiyiinta Jubilee u qaabilsaneyd dhanka kala dambeynta ee aqalka sare Susan Kihika.
Mr. Kenyatta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo ka tirsan xisbiga Jubilee hadana aan taageersaneyn dhaqangelinta ajeendayaasha horumarineed ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here