Xisbiga Jubilee oo isbeddelo ku sameeyay guddiyada aqalka sare

Senetarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa isku shaandheyn ku sameeyay hoggaanka iyo xubnaha guddiyada kala duwan ee aqalka sare.
Senatarada ismaamullada Nandi iyo Meru ee kala ah Samson Cherargei iyo Mithika Linturi ayaa laga saaray guddiyo ay hoggaaminayeen.
Mas’uulka Jubilee u qaabislan dhanka kala dambeynta ee aqalka sare ahna senetarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata ayaa isbeddellada la sameeyay shaaciyay.
Waxaa uu sheegay in xilkii uu hayay senatarka Nandi oo ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha cadaaladda iyo sharciga uu la wareegay dhigiisa Tharaka Nithi Kithure Kindiki.
Senatarka Meru , Mithika Linturi, oo ahaa guddoomiye ku xigeenka guddigaas ( JLAC) waxaa lagu beddelayaa dhigiisa Bomet Christopher Lang’at.
Sido kale Linturi ayaa laga saaray guddiga xisaabaadka iyo maalgashiga waxaana lagu beddelay senetaradda Isiolo Fatuma Dullo.
Mr.Cherargei ayaa hadda la wareegaya xilkii uu hayay Irungu Kang’ata oo xubin ka ahaa guddiga awoodaha iyo waxyaabaha ay fursadda u haystaan xildhibaannada .
Mr. Linturi ayaa loo wareejiyay dhanka guddiga qaabilsan sharci dejinta baarlamaanka ka baxsan wuxuuna beddelaya senatarka ismaamulka galbeedka Pokot Samuel Poghisio oo dhawaan loo magacaabay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka senate-ka.
Senatarka Bomet, Christopher Lang’at ayaa laga saaray guddiga howlaha aqalka sare waxaana sido kale laga xayuubiyay xilka guddoomiyaha guddiga tacliinta ee aqalka sare oo uu kala wareegay dhigiisa Nairobi Johnson Sakaja .
Sido kale senatarka ismaamulka Laikipia, John Kinyua ayaa laga qaaday xilka guddoomiyaha guddiga dowlad wadaajinta waxaana lagu beddelay dhigiisa Elgeyo Marakwet ,Kipchumba Murkomen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here