Xisbiga Jubilee oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee Raphael Tuju

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xaaladda caafimaad ee xoghayaha guud Raphael Tuju ay soo hagaagayso kaddib markii maalmo ka hor uu shil ku dhaawacmay.
Xilli uu 12-kii bishan ku wajahnaa magaalada Kabarak ee ismaamulka Nakuru isagoo ka ambabaxay Nairobi ayuu Tuju shil galay kaddib markii ay isku dhaceen baabuurkiisa iyo mid ka mid ah gawaarida dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Waxaa uu xilligaas doonayay inuu ka qeybgalo aaskii madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi.
Dhacdadaas kaddib ayaa loo soo qaaday magaalada Nairobi oo weli lagu daaweynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here