Xisbiga Jubilee oo la filayo inuu tallaabo ka qaado senetarka Tharaka Nithi

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa la filayaa inuu toddobaadkan sii wado isbeddelo uu maalmo ka hor ka sameeyay aqalka sare.
Senetarka dowlad deegaanka Murang’a dhawaanna loo magacaabay mas’uulka Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Mr.Irungu Kangata ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in mar dhow tallaabo laga qaadi doono dhigiisa ismaamulka Tharaka Nithi ahna guddoomiye ku xigeenka senate-ka Kithure Kindiki.
Go’aankan ayaa lagu saleynayaa in Kindiki uunan ka qeyb gelin kulankii ka dhacay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee isbeddellada looga dhawaaqay.
Mr. Kangata ayaa sheegay in laga billaabo maanta oo isniin ah la guda galaya geedisocod ku aaddan soo saaridda mooshinka xilka looga xayuubinayo guddoomiye ku xigeenka aqalka sare.
Tallaabadan mid la mid ah ayaa laga cabsi qabaa inay saameyso mas’uuliyin kale sida senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargey oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha sharciga iyo dastuurka ee aqalka sare.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka senate-ka laga qaaday Kipchumba Murkomen.
Waxaa sido kale xilalkii hoggaanka ee aqalka sare waayay siyaasiyiin ay ka mid tahay senetarradda ismaamulka Nakuru Susan Kihika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here