Xisbiga Jubilee oo tallaabo ka qaadaya xubnaha mucaaradnimada ku howlan

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Mr. Raphael Tuju

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa digniin u diray siyaasiyiin xubo ka ah oo lagu tilmaamay inaynan daacad u ahayn hoggaanka sare.
Tani ayaa timid kaddib markii 10 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee garabka Jubilee ay sheegeen in dowladda ay maamullada kala duwan u adeegsanayso inay u hanjabto sido kalena dhibaateyso qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka.
Hasa ahaate senetarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata oo dhawaan loo magacaabay mas’uulka siyaasiyiinta tirada badan ee aqalka sare u qaabilsan dhanka kala dambeynta ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo eegi lahaa habdhaqanka madaxda qaar.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay jiraan xubno ka tirsan xisbiga Jubilee oo in muddo ah xushmad darro u muujinayay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ahna madaxa xisbigan sidaas awgeedna sida uu hadalka u dhigay ay habboon tahay in tallaabo adag laga qaado.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa xildhibaannada shalay shir jaraaid qabtay iyagoo cabanaya ugu baaqay in waxyaabaha ay tabanayaan ay ku wargeliyaan maamullada baaritaannada qaabilsan ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here