Xisbiga Jublee oo sheegay inuu soo bandhigi doonin musharax u tartama xilka ka banana deegaanka Musambweni

Xisbiga Jublee ayaa sheegay inuusan musharx uu soo bandhigi doonin dorashada ku celiska ah ee deegaanka Musambweni gobolka xeebta ee dalka
Bayaan uu soo saaray Arbacadii,shalay xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee jubilee Raphael Tuju wuxuu ku sheegay in go’aanka la qaatay kadib “wadatashi xisbiga dhexdiisa ah.
Xisbiga Jublee ayaa tani ku saleeyay heshiis is gacan qaad ah oo ay la galeen xisbiga ODM oo uu Raila Odinga Madax ka yahay.
Mr Tuju ayaa sheegay in xisbigiisa uu diirada saari doono arrimaha muhiimka ah ee horyaala.
Kursiga xildhibaananimo ee deegaanka Musambweni ayaa banaanaaday ka dib geeridii ku timid Suleymaan Ramadhani Dori.
Waxaa la filaya in la qabto doorasho ku celis ah oo lagu buuxinayo kursiga banana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here