Xisbiga ODM oo beeniyay in heshiis qarsoon uu ka dhexeya Raila iyo Kalonzo Musyoka

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo ka dhexeya hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo Raila Odinga.
Xoghayaha guud ee ODM , Edwin Sifuna ayaa gashaanka udaruuray sheegashada hoggamiyaha xisbiga Wiper wuxuuna ku adkeystay inuunan jiran wax heshiis dhex maray labada hoggamiye ee la xiriirta doorashda guud soo socota ee sannadka 2022
Mr Sifuna ayaa waxaa uu Kalonzo ku eedeeyay inuu yahay nin laba wajiile ah islamarkaana lala heshiin karin.
Xoghayaha xisbiga ayaa dhanka kale soo hadal qaaday heshiiska Mr Kalonzo Musyoka uu la galay xisbiga taldada haya ee Jubille wuxuuna sheegay inaysan daacad ka ahayn isla markaana kaliya eegaya dantiisa gaarka ah.
Kalonzo oo waraysi siiyay wargeyska Nation ee maalinlaha ayaa sheegay inuu heshiis qarsoon kala dhaxeeyo hoggamiyaha xisbiga Raila Odinga ee la xiriirta doorashada guud ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here