Xisbiga ODM oo caddeeyay inuunan codsan tageerada Uhuru

Xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuunan codsan in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu sannadka 2022-ka tageero musharax mucaaradka ka tirsan.
Bayaanka ODM waxaa lagu xusay in Mr. Raila Odinga uunan Uhuru taageero siyaasadeed weydiisan xilli ay toddobaadkii hore ismaamulka Kisumu uga qeyb galeen aaska hooyada barasaabka dowlad deegaankaasi Prof. Anyang’ Nyongo.
Xisbigan ayaa sido kale xusay in qaar ka mid ah warbaahinta dalka ay dadweynaha marin habaabiyeen oo ayna tabiyeen waxyaabo aan xilligaasi la soo hadal qaadin.
Bayaanka oo uu saxiixay agaasimaha isgaarsiinta ee ODM Mr. Philip Etale ayaa lagu caddeeyay in senetarka ismaamulka Siaya James Orengo iyo hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka John Mbadi aynan madaxweynaha ka codsan in doorashada guud ee soo socoto uu garab istaago Raila.
Dhanka kale ODM ayaa sheegtay in Raila Odinga , Uhuru Kenyatta iyo dhammaan madaxdii kale ee munaasabadaasi ka hadashay ay diiradda saareen midnimada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here