Xisbiga ODM oo codbixiyayaasha Kibra uga digay inay laaluush qaataan

Xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM ayaa shacabka ku nool deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi uga digay in lagu qanciyo laaluush oo ay ugu dambeyn u codeyaan musharax laga yaabo in sida habboon uunan wax ugu qaban.
Siyaasiyiinta xisbiga ayaa baaqan jeediyay xilli ay fagaaraha Kibra DC ay ku qabteen isku soo bax ay ugu ololeynayeen musharaxa Bernard Okoth Imran.
Doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra ayaa la filayaa inay dhacdo 7-da bisha 11-aad ee sannadkan.
Waxay musharaxiin matalaya xisbiyada ODM,Jubilee, Ford-Kenya iyo ANC loolan ugu jiraan inay buuxiyaan jagadii xildhibaananimo ee bannaanatay kaddib markii Ken Okoth uu u dhintay cudurka kansarka.
Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubilee ayaa doonaya in musharaxa ODM Bernard Okoth inaan loo oggolaan inuu doorashada ka qeybgalo.
Waxay ku eedeynayaan falal wax u dhimi karo codeynta oo ay ka mid tahay rabshad kicin in kastoo uu taasi iska fogeeyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here