Xisbiga ODM oo guda galaya xilka qaadista barasaabka Migori

Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Migori Ken Edward Ouma ayaa sheegay in xisbiga ODM uu maalinka Talaadada billaabaya geedisocodka ku aaddan xilka xayuubinta guddoomiyaha dowlad deegaankaas Okoth Obado.
Mr. Ouma ayaa sheegay in xisbiga mucaaradka ee uu barasaabka xubin ka yahay ay ka go’an tahay inuu mas’uulkan xafiiska baneeyo.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Okoth Obado lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin.
Maxkamadda ayaa barasaabka ka hor istaagtay inuu tago xafiiskiisa rasmiga ee uu bulshada Migori uga adeego ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwadda ka dhanka ah.
ODM ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa xisbiyada kale ee xubnaha ku leh golaha hoose ee Migori ay ku dadaali doonto sidii Obado xilka looga qaadi lahaa.
Isku duwaha xisbiga Jubilee u qaabilsan ismaamulka Migori Mwita Nyangi ayaa xusay in xita iyadoo laga tiro badan yahay ay taageeri doonaan go’aanka dhanka aqlabiyadda.
Guddoomiyaasha kale ee ismaamullada ee hadda wajahaya dacwado ku saabsan musuqmaasuqa ayaa kala ah barasaabka Busia Sospeter Ojaamong, Mike Sonko (Nairobi) iyo Moses Lenokulal oo ah hoggaamiyaha (Samburu)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here