Xisbiga ODM oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii hore ee Likoni

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa bayaan uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mwalimu Mascuud Mwahima.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in xisbigu uu murugada la qaybsanaya qoyska mas’uulkan hore , shacabka Likoni iyo guud ahaan Mombasa.
Waxaa uu deegaanka Likoni baarlamaanka ku matalayay intii u dhexeysay (2008-2013 iyo 2013-2017).
Sido kale waxaa tacsi tani la mid ah diray barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xassan Joho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here