Xisbiga ODM oo la filayo inuu isku soo bax qabto

Xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta uu fagaaraha DC Grounds ee deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi uu ku qabto isku soo bax.
Isku soo baxan ayaa loogu magacdaray mid mahadcelin ah kaddib guushii raacday Bernard Okoth oo loo yaqaano Imran.
Doorashadii ku celiska ahayd ee Kibra oo loolan adag loo galay ayay qaar ka mid ah khuburada siyaasadda falanqeeya ku tilmaameen tartan u dhexeyay Raila Odinga iyo William Ruto.
Khamiistii ayay ahayd markii musharaxii Jubilee matalayay McDonald Mariga uu u hambalyeeyay Okoth kaddib markii ay u soo baxday inuu u dhexeyo farqi dhanka codadka la dhiibtay ah.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, Waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa dhammaan sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan waxyaabo dhacay khamiistii xilli ay codeynta socotay si dacwad loogu soo oogo cidii lagu helo inay laaluush bixisay ama rabshad kicisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here