Xisbiga ODM oo soo saaray musharaxa ku matalaya doorashada ku celiska ee Kibra

Deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ayaa waxaa shalay ka dhacday codeyn isreeb-reeb ah oo shacabka ay ku kala xulayeen musharaxiinta ka wada tirsan xisbiga ODM ee doonaya inay buuxiyaan jagadii uu banneeyay Ken Okoth.
Kaddib markii xalay la soo gabagabeeyay tirinta codadka ayaa waxaa lagu dhawaaqay in kala reebkaasi uu ku soo baxay Bernard Otieno Okoth oo loo yaqaano Imran oo ay wada dhasheen mudanihii u dhintay cudurka Kansarka.
Imran Okoth ayaa helay codad gaaraya 4382 waxaa uuna halkaasi kaga adkaaday siyaasiyiintii kale.
Haddii aynan jirin cid cabasho ka keento codeynta dhacday, xisbiga ODM ayaa berri oo isniin ah magaca musharaxan u gudbinaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC .
Waxaa nambarka labaad galay Peter Orero oo helay codad dhan 1218 halka John Otieno uu soo hooyay codad gaaray 906 .
Codeynta isreeb-reebka ayaa shalay deegaankaasi ka billaabatay 7-dii aroornimo waxaana la soo gabagabeeyay 5-tii galabnimo ee shalay.
In kastoo ay jireen caqabado ay ka mid ahayeen in codbixiyaasha qaar ka mid ah ay magacyadooda ka waayeen liiska halka khaladaad kalena ay jireen haddan xoghayaha guud ee xisbiga ODM, Mr. Edwin Sifuna ayaa sheegay in codeyntu ay si cadaalad ah u dhacday.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay raja weyn ka qabaan in musharaxa ODM uu 7-da bisha Novembar ee sannadkan uu musharaxiinta xisbiyada kale kaga guulaysto doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra.
Bernard Otieno Okoth xildhibaananimada deegaanka Kibra kula tartarmi doonaa musharaxiinta kala ah McDonald Mariga oo Jubilee matalaya , Eliud Owallo (ANC) iyo Khamisi Butichi(Ford Kenya).
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo musharaxa ay soo saareen ayaa labaduba sheegay in guusha ay raaci doonto Eliud Owallo oo horay uga tirsanaa ODM balse dhawaan isaga baxay.

 

Arrimaha siyaasadda inta aan ka bixin, ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa mar kale ku baaqay in isbeddelada la doonayo in lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan ay noqdaan kuwo dani guud ay shacabka ugu jirto oo aynan siyaasad ahaan ka faaiideysaneyn shakhsiyaad gaar ah.
Waxaa uu sido kale sheegay inuu diyaar u yahay in isaga iyo Musalia Mudavadi ay iskaashadaan si sannadka 2022-ka ay maamul cusub u soo dhisaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here