Xisbiga ODM oo soo xushay musharaxii u tartami lahaa doorashada Msambweni

Cumar Idd Boga ayaa ku guulaystay doorashada ay xisbiga ODM ku soo xulanayeen musharaxa ku matali lahaa doorashada xilka xildhibaananimada ee deegaanka Msambweni.
Mr Boga ayaa helay 6,183 oo cod ah halka musharixii la tartamayay ee Nicholas Stephen Zani uu isna helay 530 cod ah.
Cumar Idd Boga wuxuu ahaa xubin ka tirsan golaha degaanka ee degmada Gombato Bongwe ee sannadihii 2013-kii iyo 2017-kii . Wuxuuna u soo tartamay kursiga baarlamaanka ee Msambweni doorashadii dhacday sanadkii 2017-kii balse waxaa kaga adkaaday Ramadaan Suleiman Dori oo geeriyooday bishii Maarso ee sanadkan ka dib markii uu haleelay cudurka kansarka.
ODM ayaa ah xisbiga kaliya ee ilaa hadda sameeyay magacaabista musharaxa u tartamaya jagadan banaan iyadoona uu xisbiga talada haya ee Jublee uu isaga baxay tartanka.
Musharaxiinta kale ee isha ku haya kursiga ayaa kala ah Feysal Cabdallah Bader oo si madax banaan ah xilkaas ugu tartamaya, Sheekh Maxamuud Cabdulrahman oo wata tikitka xisbiga (Wiper), Sharlet Mariam Akinyi si madax banaan ayay iyaduna xilka xildhibaananimada ugu tartamaysa sida kale Charles Bilali isagana si madax banaan ayuu u tartamaya halka Hamisi Mwakaonje uu ku tartamaya xisbiga (United Green Movement Party).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here