Xisbiga talada haya ee Myanmar oo kuraas badan ka helay baarlamaanka

Xisbiga hoggaamiyo dalka Myanmar ee NLD oo ay madax ka tahay Aung San Suu Kyi ayaa lagu soo warramayaa inuu kuraas badan ka helay golaha xeer dejinta sida ay muujinayso natiijada doorashooyinka ee maanta la soo saaray.
Maalinkii Axadda ee la soo dhaafay ayay doorasho ka dhacday Myanmar.
Xisbiga NLD ayaa helay in ka badan 322 kuraas oo ka mid ah baarlamaanka oo laga doonayo inuu ku guulaysto xisbiga soo dhisaya maamul cusub.
Tirada kuraasta baarlamaneed ee u soo hooyatay xisbiga Aung San Suu Kyi ayaa ah 346 oo ka mid ah 412 ilaa iyo hadda natiijadooda la shaaciyay waxaana weli dhiman 64 kuraas oo aan lagu dhawaaqin.
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii xisbiga NLD ay u soo hooyatay guul sidan oo kale ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here