Xisbiga Thirdway Alliance oo doonaya in shacabka aynan kiro bixin afar bilood

Xisbiga Thirdway Alliance ayaa Dowladda u soo jeediyay inay ku dadaasho sidii muddo afar bilood ah loo hakin lahaa in dadweynaha ay bixiyaan kirada guriyaha ay deggan yihiin iyo lacagaha amaahda ee qaar ka mid ah lagu leeyahay.
Sido kale xisbigan ayaa doonaya in Dowladda ay bixiso qarashaadka lagu yeesho qof kasta oo karantiil Khasab ah lagu sameeyo.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Fredrick Okango.
Mr. Okango ayaa sido kale Dowladda kula taliyay inay diyaariso qalabka cudurka Covid19 lagu baaro kaasoo guriyaha lagu isticmaali karo si cidii xilli hore astaamihiisa isku aragta ay daryeel caafimaad u raadsato.
Dhawaan ayay ahayd markii xisbigan uu soo jeediyay in waqtiga uu bandowga habeenkii billowdo ooh adda ah 7-da fiidnimo laga dhigo 9-ka fiidnimo.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay si shacabka looga fududeeyo culeyska dhaqaale iyo saameynta uu cudurka la yimid, qof kasta oo qaata mushaar ka hooseeya 24,000 oo shilin aan wax canshuur ah laga qaadi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here