Xisbiga Thirdway Alliance oo iska fogeeyay bayaan u soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga

Xisbiga Thirdway Alliance ayaa iska fogeeyay bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga , Fredrick Okango.
Waxaa uu xoghayaha bayaankiisa ku sheegay in la doonayo in muddo afar bilood ah la hakiyo in dadweynaha ay bixiyaan kirada guriyaha ay deggan yihiin iyo lacagaha amaahda ee qaar ka mid ah lagu leeyahay.
Hoggamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Ekuru Aukot ayaa sheegay in Okango tallabo sharci ah laga qaadi doono sidoo kalana uu wajihi doona ganaax.
Aukot ayaa dhanka kale sheegay in xoghayaha guud ee xisbiga uu soo bandhigay aragtidiisa shakhsiyeed balse xisbiga uu ka madax bannaan yahay arrintaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii xisbigan uu soo jeediyay in wakhtiga uu bandowga habeenkii billowdo oo adda ah 7-da fiidnimo laga dhigo 9-ka fiidnimo.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay si shacabka looga fududeeyo culeyska dhaqaale iyo saameynta uu cudurka la yimid, qof kasta oo qaata mushaar ka hooseeya 24,000 oo shilin aan wax canshuur ah laga qaadi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here