Xisbiga Thirdway Alliance oo sheegay in wali uu taaganyahay go’aanka xisbigaasi looga saari lahaa Ekuru Aukot

Xisbiga Thirdway Alliance ayaa ku adkaysanaya in wali uu taagan yahay go’aankii cayrinta ahaa ee hoggamiyaha xisbigaasi Ekuru Aukot.
Arrinkan ayaa ay bartooda Tuwitarka ku sheegeen inuusan jirin amar garsoor oo go’aanka lagala noqdo.
Qoraalka ayey sidoo kale ku sheegeen in wali go’aanka uu taaganyahay
Bishii Sebteembar ee sannadkan ayaa xibiga laga saaray Dr. Aukot sababo la xiriira dhaqaale xumo iyo weerar lagu qaaday mid ka mid ah xubnaha xisbiga.
Xoghayaha guud ee xisbiga Thirdway Alliance Fredrick Okango ayaa sheegay in guddiga fulinta ee xisbiga ay go’aanka qaateen iyagoona xumaan, eex iyo nacayb midna u qabin hoggamiyaha xisbigaasi Ekuru Aukot.
Aukot ayaa dhowr jeer hore diiday inuu hor yimaado guddiga anshaxa ee xisbiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here