Xisbiga Wadajir oo ku baaqay in la dhimo Ergada dooraneysa Xildhibaanada

War Saxaafeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame lagu sheegay in la yareeyo Ergooyinka dooranaya doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Hoggaamiyaha waxaa uu sheegay Madaama dowladda dhexe ay ku fashilantay qabashada doorasho qof iyo cod ah in loo baahan yahay in ergooyinka wax dooranaya laga dhigo 101.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in Wadahadal lala galo Saamileyda Siyaasadeed iyo Madaxda ka maqan Shirka Dhuusamareeb.
Waxaa uu xusay si doorashada ay ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay waa in si deg deg ah loo dhisaa Xukuumadda cusub lalana soo Magacabaa Ra’iisul Wasaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here