Xisbiga Wiper oo soo bandhigay musharaxa ku matali doona xil ka banaana deegaanka Musambweni

Xisbiga Wiper ayaa soo bandhigay musharaxa xisbigaasi ku matali doona doorashada ku celiska ee deegaanka Msambweni gobolka xeebta ee dalka.
Hoggamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ka codsaday xisbiga talada haya ee Jubilee inay taageeraan Sheekh Cabdulraxmaan Maxamuud oo ah musharaxa xisbiga Wiper.
Xilli uu shalay uu warbaahinta kula hadlay deegaanka Ukunda ee ismaamulka Kwale ay uu meesha ka saaray sheegashada xisbiga ODM ee ah in guul la huba uu gaari doona doorashada ku celiska ee deegaanka Msambweni isaga oo sheegay in ay noqon doono tartan adag.
Dhanka kale musharaxa madaxa bannaan ee Faysal Cabdalla ayaa beeniyey in uu yahay shaqsi uu wato madaxweyne ku xigeenka dalka.
Kursiga xildhibaananimo ee deegaanka Musambweni ayaa banaanaaday kaddib geeridii ku timid Suleymaan Ramadhani Dori.
Waxaa la filaya in la qabto doorasho ku celis ah oo lagu buuxinayo kursiga bananaaday.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay in doorashada ku celiska ee Msambweni la qaban doona 15-ka bisha Deseembar ee sannadkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here