Xisbiyada dalka oo doonaya inay ku guulaystaan kursiga baarlamaanka ee Kibra

Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa loolan ugu jiro in siyaasi ka tirsan uu ku guulaysto xilka xildhibaananimo ee deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi kaasi oo uu dhawaan banneeyay Ken Okoth.
Kursiga ayaa bannaanaaday kaddib markii mudanaha uu u dhintay cudurka Kansarka.
Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa cayaaryahaanka caanka ah ee McDonald Mariga u soo xushay inuu loolankaasi ku matalo.
Mr. Mariga oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in doorashada ku celiska ah ay si nabad ah u dhacdo isagoo dhanka kale sheegay inuu rajeynayo inuu guulaysto.

Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Mr. Edwin Sifuna ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uga qorsheysan doorashadan isagoo gaashaanka u daruuray eedeymo loo jeediyay hoggaamiyaha mucaaradka , Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here