Xisbiyada Soomaaliya oo ka hor yimid Go’aamo ay soo saareen Wasiirada.

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Lix Xisbi Siyaasadeed hoggaankana ay u yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay kasoo horjeesteen tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogu baaqay Madaxda Sare ee Soomaaliya & Golaha Wasiirada ee xilka siihaya inay ilaaliyaan Sharciga iyo Dastuurka xilligaan lagu guda jiro kala-guurka oo hadaan la garowsan inuu dalku geli karo khalalaaso siyaasadeed.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeyay Gudiyada Farsamo ee dhameystirka natiijada Shirkii Dhuusamareeb ay ku yeesheen Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyada si go’aan looga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban 7 Qodob ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Xukuumadda sida KMG ah xilka u sii heysa aysan awood u laheyn gaarista Go’aamo masiiri ah oo ay ku meel marin garto Guddiyo dastuuri ah oo horay looga gaabiyay.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinkii Golaha Wasiirada xilka sii haya ay ku magacaabeen 30/7/2020 Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka & Batroolka Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inuu habka loo maray ahaa mid shari darro ah.
Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya waxaay ugu baaqeen Xildhibaannada Baarlamaanka Fedraalka inay si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan Golaha Wasiirada xilka siihaya, isla markaana ay ula xisaabtamaan si joogta ah ilaa iyo inta laga soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Xigga ee Xukuumada Sii hogaaminaya mudada Bilaha ah e dowlada hada Jirta u dhiman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here