Xisbullah oo lagu eedeeyay dilka ra’isulwasaarihii hore Lubnaan

Garasoorayaasha maxkmad ku taala Lubnaan ayaa rag ka tirsanaa Xisbullah ku eedeysay dilka loo gaystay Rafik Hariiri .
Manata ayay ahayd markii Maxkamad ku taalla magaalada Caasimada ah ee Beirut ee dalka Lubnaan la horkeenay rag loo haysto dilka raysal wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq Xariiri.
Afar ruux ayaa maanta waxa ay ka soo hor muuqdeen Maxkamaddan, waxaana loo haystaa eedda ah, in ay ka dambeeyaan, dilka raysal wasaarihii hore ee dalka Lubnaan.
Dilka raysal wasaare Xariiri ayaa hadda waxaa laga joogaa, muddo 15 sano iyadoo dikiisana loo adeegsaday bombo, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarkii lagu dilay ilaa 21 masuuliyiin oo reer Lubnaan ahaa.
Ururka Xisbullah ayaa horay loogu eedeeyay dilka raysal wasaare Xariiri, balse waa uu iska fogeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here