Xizbullah oo sheegtay inay soo ridday diyaarad laga leeyahay Israa’iil

Kooxda Xizbullah ee uu fadhigeedu yahay wadanka Lebanon ayaa maanta oo isniin ah sheegtay inay soo ridday diyaarad aynan cidna wadin oo laga leeyahay Israa’iil.
Warbaahinta Al-Manar ee kooxdan lala xariiriyo ayaa ku warrameysa in falkaasi laga gaystay magaalada koonfureed ee Ramyah.
Xizbullah ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in diyaaraddu ay hadda gacanta ugu jirto.
Waxay intaasi ku dartay inay tallaabadaasi qaadday iyadoo adeegsanaysa hubka habboon .
Milatariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahiisa aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday koonfurta Lubnaan ama Lebanon xilli ay ku guda jirtay howlo iska caadi ah hasa ahaate ma aynan caddeyn sababta keentay burburkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here