Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo safar ku tagay Ciraaq

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa lagu soo warramayaa inuu dalka Ciraaq ku tagay safar aanan horay loo shaacin.
Tallaabadan ayay xukuumadda Washington ku muujinaysa sida ay u garab taagan tahay Ciraaq iyadooa dhanka kale sare u sii qaadday cadaadiska ay saarayso Iiraan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mike Pompeo uu meesha ka saaray qorsho ahaa inuu ka qeyb galo wada hadalo ka dhacaya Jarmalka.
Ilaa afar saacadood ayuu ku sugnaa dalka Ciraaq waxaa uuna halkaasi kula kulmay madaxweyne Barham Salih iyo ra’iisul wasaare Adel Abdul-Mahdi.
Waxay ka wada hadleen sida lagu sii xoojin karo iskaashiga ka dhexeya gaar ahaan ilaalinta danaha u gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here