Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo safar ku tagaya Suudaan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo safar ku tago dalka Suudaan.
Sarkaal ka tirsan dowladda Suudaan ayaa arrinkan warbaahinta u sheegay.
Dowladda Suudaan ayaa tan iyo sannadkii hore ku dadaalaysay inay wanaajiso xiriirka kala dhexeya Maraykanka iyo in sido kale laga saaro liiska wadamada xukuumada Washington ay u aqoonsan tahay inay argagixisada maalgeliyaan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Mike Pompeo uu berri tagi doono Israa’iil iyo isku tagga imaaraadka carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here