Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo tagay Suudaan

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa safar toos ah oo uu kaga soo baxay Israa’iil ku tagay dalka Suudaan.
Safarkan ayaa qayb ka ah socdaal uu ugu jiro in wadamo badan oo carbeed ay sidii imaaraadka oo kale la heshiiyaan Israa’iil
Mike Pompeo ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Khartoum lagu wadaa inuu kulan la qaato ra’iisul wasaaraha Suudaan iyo golaha maamulka sare.
Waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington ayaa sheegtay in mas’uuliyiintan ay ka wada hadli doonaan sida Maraykanka uu u taageeri karo maamulka matalo shacabka Suudaan iyo in la xoojiyo xiriirka Suudaan kala dhexeya Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here