Xoghayaha arrimaha gudaha ee Filibiin oo laga helay COVID19

Wararka naga soo gaaraya dalka Filibiin ayaa sheegaya in cudurka COVID19 uu soo ritay xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaas Eduardo Ano.
Mas’uulkan ayaa sheegay inuu is-karantiilay maalinkii Jimcaha kaddib markii uu dareemay astaamo la mid ah kuwa hergebka.
Baaritaan lagu sameeyay ayaa natiijada ka soo baxday xalay lagu sheegay inuu cudurka qabo.
Ninkan ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte uu u xilsaaray la dagaalanka coronavirus .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here