Xoghayaha COTU oo eedeyn u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli iyo xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa eedeyn u jeediyay William Ruto , madaxweyne ku xigeenka wadanka.
Waxay sheegeen in Ruto uu qorsheynaya inuu sannadka 2022-ka uunan oggolaan natiijada ka soo baxdo doorashada guud.
Atwoli iyo Kibicho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Ruto oo ahaa inuu jiro qorsho la doonayo in looga dhacdo codadka doorashada.
Ruto ayaa dhawaan xusay inaan lagu cabsi gelin waxaa loo yaqaano ‘Deep State’ oo ah awood maamul oo qoto dheer ama saameyn weyn leh.
Dr. Kibicho ayaa xusay inaysan jirin dowlad u shaqeysa qaabka uu Ruto tilmaamay.
Hadalka William Ruto ee laga falceliyay ayaa sidatan ahaa

Kibicho ayaa sheegay inay jiraan siyaabo lagu ogaan karo wax kasta oo dowladda ka dhex dhaco ee dhanka maamulka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here