Xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka oo ku sugan Afghanistan

Xoghayaha waaxda difaaca ee Maraykanka ,Mark Esper ayaa ku sugan dalka Afghanistan isagoo ku dadaalaya inay mar kale dib u billowdaan wada hadalada nabadeed ee lala yeelanayo kooxda Taalibaan.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha xukuumadda Washington Donald Trump uu si lama filaan ah u soo afjaray kulamadii socday.
Waxaa uu Trump xilligaasi sheegay inaan wax heshiis ah lala gaari karin koox sida uu hadalka u dhigay ku howlan inay weeraro sii fuliso.
Safarka Esper ayaa dhanka kale ku soo aadaya iyadoo dhawaan Maraykanka uu ciidamadiisa kala baxay waqooyiga Suuriya kaddib howlgalladii Milatari ee Turkiga.
Mark Esper ayaa warfidiyeenka u sheegay in ujeedada uu Afghanistan u tagay ay tahay sidii heshiis siyaasadeed loo wada saxiixan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here