Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Tagay Masaajidii New Zealand ee la Weeraray

30

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa  Mr.Antonio Guterres oo tagay  labadii masaajid ee dalka New Zealand ee  la  weeraray  bishii saddexaad ee sannadkan ayaa  sheegay in la joogo  xilligii la cirib tiri lahaa  hadalada nacaybka ku saleysan.

Waxaa uu sido kale taageero u muujiyay bulshada islaamka  ee wadanka   New Zealand.

Bishii Maarso ee sannadkan ayay ahayd markii 51 qof  lagu dilay  weerarada  uu  gaystay  Brenton Tarrant oo ah  28 sano jir u dhashay  Australia.

Mr. Guterres  ayaa  ku baaqay  in   la iska kaashado dadaalada  lagu cirib tirayo  hadalada nacaybka ku saleysan  ee lagu faafiyo baraha bulshadu ku wada xariirto.

Sido kale waxaa uu amray in guddi ka tirsan qaramada midoobay  uu  soo saaro  qorsho howled caalami  ah oo dhibaatooyinkan   lagu tacaali  karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here