Xoghayaha kalkaliyaasha dalka oo wasiirka caafimaadka ka dalbaday inuu is casilo

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaliyaasha dalka ee KNUN Seth Panyako ayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka ee wadanka Mutahi Kagwe ugu baaqay inuu is casilo.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Kakamega ayuu Panyako madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku booriyay inuu shaqada ka eryo Kagwe iyo saraakiisha sar sare ee wasaaradda.
Xoghayaha KNUN ayaa mas’uuliyiintan ku eedeyay musuqmaasuq.
Panyako ayaa wasiirka caafimaadka iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda Susan Mochache ka dalbaday inay xafiisyada baneyaan ka hor Isniinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadii aynan iscasilin , hoggaamiyaha wadanka laga doonayo inuu shaqada ka tiro sida uu hadalka u dhigay ka hor inta aynan wasaaradda u gaysan burbur dheeraad ah.
Seth Panyako ayaa dhanka kale qaramada midoobay ugu baaqay inay baaritaano ku sameyso qaabka ay Kenya u isticmaashay lacagaha ay ka heshay deeq bixiyaasha caalamka ee loogu talagalay la tacaalidda coronavirus.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here