Xoghayaha KNUT oo ku gacan seyray baaq ah inuu iscasilo

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa beeniyay inuu qabsoomay kulan ay yeesheen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee dalladdaasi oo laga soo saaray baaq ah inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in loogu hanjabay inuu isku casilo muddo toddobo maalmood gudahood ah haddii kale tallaabo sharciyeed laga qaadayo.
Mr. Sossion ayaa carrabka ku adkeeyay in sida ku qeexan xeerarka ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT , mas’uulka keliya ee shir qabanqaabin karo uu yahay xoghayaha guud.
Waxaa uu intaasi ku daray in kulanka keliya ee uu si rasmi ah uga war qabo in la qorsheeyay uu yahay mid 29-ka bishan sideedaad uu yeelanayo golaha qaran ee fulinta ee KNUT.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah mas’uuliyiintan ururkan ee gobolka bartamaha dalka ay Mr. Sossion ku eedeyeen inuu ka soo horjeedo mashariicda dowladda ee dhanka tacliinta sidaasi awgeedna ay ka dalbanayaan inuu shaqada isaga tago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here