Xoghayaha KUPPET oo dowladda ugu baaqay inay lacagaha u fasaxdo

Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa waxay xukumadda ugu baaqeyn inay bixiso lacagaha loogu talagalay iskuulada ka hor inta aan dib loo furin.
Xoghayaha guud ee ururkan Akelo Misori ayaa sheegay in dowladda ay qasab ku tahay inay ku dadaasho hormarka dugsiyada si ay ula tacaalaan xaaladda hadda jirta.
Mr Misori wuxuu sheegay in dugsiyada ay u baahan yihiin lacag si loo hagaajiyo fasalada , qolalka jiifka iyo goobo karantiil ah si loo maareeyo xaalad deg deg ah hadii ay soo wajahdo ardayda.
Wuxuu ka codsaday dowladda inaysan dib u dhigin lacagaha si hormar looga sameeyo dib u furidda iskuulada.
Bisha nagu soo aadan ayaa lagu wada in xarumaha tacliinta dalka dib loo furo iyadoona laga yaabo in go’aan uu usbuuca dambe ka soo saaro madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here