Xoghayaha qaramada midoobay oo dalka safar ku imaanaya

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guterres ayaa la filayaa in toddobaadka soo socdo uu booqasho rasmi ah ku yimaado dalka.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday afhayeenkiisa Stephane Dujarric oo warbaahinta la hadlay.
Mr. Guterres ayaa lagu wadaa inuu kulan laba geesood ah la qaato madaxweyne Uhuru Kenyatta .
Sido kale waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa kulan la qabanayo 10-ka bishan July kaasi oo ah heer goboleed oo diiradda lagu saarayo la dagaalanka argagixisada.
Mr .Guterres ayaa waxaa uu sido kale qorshuhu yahay inuu magaaladatani Nairobi uga qeyb galo kulan ay yeelanayaan dhalinyarada ku howlan barnaamijyada looga hor tago xagjirnimada.
Mas’uuliyiin ka kala socdo wadamada qaaradda Afrika ayaa soo bandhigi doono tallaabooyinka wanaagsan ee ay dalalkoodu kula tacalaan argagixisada iyo khatarteeda.
Mr .Guterres ayaa la filayaa in marka uu Kenya ka tago uu sii ambabaxo dalka Mozambique si uu qiimeyn ugu sameeyo sida wadankaasi uu uga soo kabanayo duufaanadii Idai iyo Kenneth oo labaduba horraantii sannadkan burbur xooggan gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here