Xoghayaha Wajeer oo beeniyay inay yihiin ismaamulka ugu musuqmaasuqa badan

Dowladda ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gaashaanka u daruurtay inay sannadkii saddexaad oo xiriir ah wadanka ku hoggaaminayso dhinaca musuqmaasuqa gaar ahaan lacagaha laaluushka ee laga dalbado dadweynaha adeegyada u baahan.
Eedeynta loo jeediyay dowladda deegaanka Wajeer ayaa shaaca looga qaaday warbixin dhawaan uu soo saaray guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Guddigan ayaa sheegay in saraakiisha ismaamulka Wajeer ay si cad dadka adeegyada u baahan laaluush u weydiisteen.
Heerka laaluush bixinta ee Wajeer ayay EACC ku sheegtay boqolkiiba 71.7 waxaa soo raaca ismaamulka Kitui (43.4%), Kiambu (38%) iyo Kwale (36.6%).
Sii hayaha xilka xoghayaha ismaamulka Wajeer Cabdullahi Xassan ayaa tani beeniyay.
Waxaa uu ku doodaya in tirada iyo macluumaadka la adeegsaday ay yihiin kuwo lagu saleeyay adeegyo ay bixiyaan waaxyaha dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here