Xoghayaha xisbiga Jubilee oo shil ku dhaawacmay

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Jubilee , Raphael Tuju uu shil galay.
Shilka oo laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Magina ee ku taalla wadada weyn ee isku xirta ismaamullada Nakuru iyo Nairobi ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen baabuurka Tuju iyo mid ka mid ah gawaarida dadweynaha ee mataatuuda.
Raphael Tuju oo ay wehelinayeen darawalkiisa iyo ilaaladiisa ayaa ku wajahnaa degmada Kabarak ee Nakuru si uu uga qeyb galo aaska maanta loo sameynaya madaxweynihii ugu mudada dheeraa ee dalka Daniel Arap Moi.
Mr. Tuju oo shilka kaddib la geeyay isbitaalka Kijabe Mission ayaa loo soo qaaday Nairobi si uu u helo daryeel caafimaad oo dheerad ah.
Waxay wararku intaas ku darayaan in xoghayaha Jubilee uu dhaawac ka soo gaaray dhanka xawadka balse xaladiisa caafimaad aynan liidan.
Shilka uu galay Tuju ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna iyo guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Wilson Wanyaga in kastoo aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here