Xoghayihii hore ee dhalinyarada iyo jinsiyada oo hal shilin lagu abaal mariyay

Maxkamada shaqada iyo shaqaalaha ayaa hal shiln oo magdhaw ah ku abaal marisay xoghayihii hore ee dhalinyarada iyo jinsiyada Lilian Omollo oo shaqada looga joojiyay sababa musuqmaasuq.
xaakinka madaxkamada ayaa sheegay in haweenaydan shaqada looga istaajiyay qaab aan waafaqsaneen dastuurka dalka.
xaakinkan oo lagu magacaabo Stephen Radido ayaa sheegay in haweeneydan lagu abaal mariyay hal shilin oo magdhaw ah madaama meel looga dhacay xuquuqdeeda dastuuriga ah.
waxaa uu xusay in aan la marsiinin nidaam cadaaladeed, sidoo kalena aan loo sheegin sababta shaqada looga ceyriyay.
Mrs Lilian Omollo ayaa lagu eedayay inay ku kacday falal musuqmaasuq oo sababtay inay jagadeedii ku weydo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here