Xoogga Soomaaliya oo sheegay inay dileen Xubno shabaab ah

Ciidama Milatariga Soomaaliya ayaa la soo sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay howlgal kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow deegaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasoo ay ku sugnaayeen Xubno Al-Shabaab ah.
Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxay sheegeen in Ciidamada ay sigaar ah uga fuliyeen tuulooyinka buulo urunji iyo busleey, oo hoosyimaado degaanka Janaale,isla markaana ay ku dileen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 18 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu Xusay in Ciidamada ay gubeen Doonyo ay Shabaabku isaga kala gudbi jireen wabiga shabeele ee mara gobolka shabeelaha hoose.
Ugu dambeyn waxaa uu Tilmaamay Taliyaha in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgalladaan ilaa iyo inta deegaannada Gobolka Shabeellaha Hosoe ay ka saarayaan Al-Shabaab.
Deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bilihii la soo dhaafay waxaaay Ciidamada Xoogga Soomaaliya ka wadaan howlgallo,waxaana mararka qaar ay weeraro iyo qaraxyo kala kulmaan Xubno Dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here