Dhageyso: Xoola dhaqatada oo dowladda ka codsaday inay qorsho u sameyso ka hor abaar laga cabsi qabo

Golaha suuqgaynta xoolaha nool ee dalka ayaa dowladda u soo jeediyay inay qorsho u dejiso xoolo dhaqatada maadaama ay jirto saadaal ah in bilaha soo socdo ay roobabka yaraan karaan ama aysan di’i doonin.
Xubnaha golahan oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Dubat Cali Camey ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday shir jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Nairobi.
Dubat ayaa xusay in hadii ay rumowdo saadaasha waaxda KMD ay xoolo dhaqatada xaalad khatar ah soo foodsaari karto sababtoo ah marka ay abaaro dhacaan waxaa hoos u dhaca qiimaha lagu kala iibsado xoolaha nool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here