Xoolo dhaqatada oo loogu baaqay inay badbaadiyaan dadka ku nool deegaanada ay u hayameen

Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada xoola dhaqatada sida gobolka waqooyi bari iyo ismaamulka Tana River ayaa bulshada xoola dhaqatada ah ee abaarta saameysay awgeed u hayaamay deegaano kale si ay u raadsadaan daaq iyo biyo waxay u soo jeediyeen inaynan wax dhibaato ah u gaysan shacabka halkaasi ku nool.
Xilliyada abaarta waxaa mararka qaar la soo tabiyaa isku dhacyo u dhexeya shacabka xuduudda ismaamulada wadaaga.
Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan weheliye iyo siyaasiyiin kale oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro barasaabka ismaamulka Kitui Mrs. Charity Ngilu oo jeedisay hadalo lagu tilmaamay kicin dadweyne ayaa dhanka kale baaqan u diray xoolo dhaqatada ay soomaalidu ka mid tahay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here