Xubin ka tirsan Alshabaab oo isku Soo Dhiibay Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya inuu isa soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Ururka al Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka soo goostay dhanka Gobolka Baay, wuxuuna watay hubkiisa oo ah Qori Ak47 ah.

Sarkaalkaan ayaa isa soo dhiibitaankiisa waxaa u sahlay xiriir uu la soo sameeyay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo u diyaarsanaa soo dhaweyntiisa.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Sarkaalka isa soo dhiibay, maadaama uu garowsaday inuu Shabaab ka soo baxo.

Ruuxa isa soo dhiibay ayaa dhankiisa sheegeen Saraakiisha Sababta uu Shabaab kaga soo baxay inay tahay, kadib markii uu u dulqaadan waayay dhibaatooyinka Shabaab u gaystaan dadka shacabka ah.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray xubno kala duwan oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibaayay Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here