Xubin sare oo ka tirsan Al-qaacida oo lagu dilay Afghanistan

Ciidamada ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya inay dileen Abu Muxsin al-Masri oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta sar sare ee kooxda Al-qaacida.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkan uu ka mid ahaa shakhsiyaadka magacyadoodu lagu xusay liiska argagixisada ee waaxda dambi baarista maraykanka ee FBI-da.
Abu Muxsin ayaa laga takhalusay xilli saraakiisha ay howlgal amni ka fuliyeen gobolka ku yaalla bartamaha Afghanistan ee Ghazni.
Al-Masri, oo sidoo kale loo yaqaanay Husam Cabd-al-Ra’uf ayay dowladda Maraykanka ku eedeysay inuu taageero dhanka agabka ah iyo dhaqaale ugu deeqay koox argagixiso ah halka uu ka mid noqday shirqool la doonayay inb lagu dilo qaar ka mid ah muwaadiniinra Maraykanka.
Bishii 12-aad ee sannadkii 2018-kii ayay dowladda Maraykanka amartay in la soo xiro ninkan oo ay ugu dambeyn dileen ciidamada Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here