DHAGEYSO:Xubna Beesha Calaamka oo la kulmaya hoggaamiyeyaasha Soomaalida

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay kulan heer sare ah u qabanayaan Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka kajira, kaasoo lagu maamuusayo sanad-guuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaasha Adduunka oo ay kamid yihiin hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya, iyada looga hadli doono mustaqbalka waxa laga doonayo in wada jir loo qabto.
Qaramada Midoobay Waxay sheegtay inay ka dooneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee Soomaalida xaqiijinta balan qaadyadii wadajirka ah oo ay sameeyeen si loo helo suurtagalnimada in la fuliyo balan qaad yadaas.
Inta uu kulankaan socdo ayaa waxaa la filayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ay isla Sugaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo ay qayb ka tahay Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.
Kulankaan ay Qaramada Midoobay sheegtay inay u qabaneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isla markaana ashtako ka dhan ah ay u gudbisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo Todobaadyadaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la Kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & inta badan hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada.
labada mas’uul ayaa sheegay inay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taasoo kor u qaadaysa nolosha dad badan sida ay Tilmaameen.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda Talyaaniga isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doonto.
Maamulka Galmudug na waxay soo dhaweeyeen waxkasta oo ka soo baxa shirka lagu wado inay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubaladn.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Galmuudg Axmed Shire Falagle oo warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadlay ayaa sheegay in iyagoo u danaynaya umadda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan waxkasta oo shirkaas ka soo baxo oo dadka iyo dalka dan u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here