Xubnaha guddiga waaxda feeriga ee dalka oo shaqada laga joojiyay

Madaxweyanha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka tiray dhammaan xubnaha guddiga waaxda feeriga ama marinka Mombasa ee gobolka xeebta ee KFS.
Arrintan ayaa timid kaddib markii shil halkaasi ka dhacay toddobaadyo ka hor ay ku dhinteen hooyo iyo gabadheeda.
Baabuur ay saarnayeen ayaa badda India Ocean ku dhacay xilli uu gudbayay marinka Likoni ee Mombasa.
Hasa ahaate waxay ciidamada badda iyo khuburo ku taqasusay badbaadinta dadka biyaha ku dhaca ay muddo 13 maalmood ah ku qaadatay inay soo helaan meydadka labadaasi qof iyo baabuurkii siday.
Mr. Kenyatta ayaa sida ku qoran wargeyska rasmiga ee dowladda waxaa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabidii guddoomiyaha waaxda KFS iyo xubnaha kala ah Daula Cumar, Naciima Amir, Philip Ndolo iyo Rosina Nasigha Mruttu
Baaritaan lagu sameeyay meydadka Mariam Kighenda iyo Amanda Mutheu ayaa muujiyay inay dhinteen maadaama ay neeftu ku dhagtay.
Intii howgallada ay socdeen ayay Kenyaanka siyaabo kala duwan uga hadleen waxqabadka waaxda feeriga ee KFS iyagoo dowladda dhaliilayay halka kuwa qaar ay ciidamada ku boogaadinayeen dadaalada ay wadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here