Xubno ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya oo sharci daro lagu Tilmaamay

War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa sharci darro ku tilaamay Shan xubnood oo ka mid noqon doona Golaha adeegga garsoorka,kuwaasoo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka sii haya ee Xukuumadda Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Daahir Carab ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ay soo jeedin karaan kaliya Saddex Xubnood oo kamid noqonaya Golaha Adeega Garsoorka, halka labada kale ay soo magacaabayaan Ururka Qareenada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ururka Qareenada waxaay sheegeen in Shanta Xubnood ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada aysan buuxin shuruudihii Ku xusanaa qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka,isla markaana Ururka Qareenada Soomaaliyeed ay qaadi doonaan talaab kastoo sharci oo looga hortagayo ku tumashada sharciga ee ay samaysa Xukuumadda kalsoonida Baarlamaanka wayday.
Shalay oo ku beegneed 30/7/2020, ayay Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ee xilka sii haysa waxay magacaabeen 5 Xubnood oo ka mid noqon doona Xubnaha Golaha adeegga garsoorka’qoraalka garyaqanada ayaana lagu sheegay inay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha ay ka mid yihiin.
ugu horrayntii golaha wasiirradu waxay soo jeedi karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka’ labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed sida uu qabo Qodobka 109A ee Dastuurka FKMG sidoo kale Xaraf E farqadda 1aad ee Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharciga Le 28 soona baxay 8/7/2014’ ayay sheegeen inuu qeexayo arintaan
sidoo kale inaysan Shanta Xubnood ay ay magacawday Xukuumadda Xilka sii haysa aysan ahayn Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.
3- Xukuumadda Xilka siihaysa ayay sheegeen inay shaqadeedu tahay sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Qareenada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here