Xukumadda dalka oo ku baaqday in la raaco talooyiinka wasaaradda caafimaadka

Waxaa maanta dib loo furay xarumaha kaniisadaha oo Corona dartiis u xirnaa iyadoo ay dowladda ugu baaqday inay ilaaliyaan sharuudaha ay wasaaradda caafimaadka u soo saartay.
Waxaana wali xiran kaniisado qaar kuwaas oo aan ka soo bixin sharuudihii looga baahnaa.
Dowladda ayaa digniin adag u dirtay cid walba oo jabisa talaabooyiinka loogu talagalay inay raacaan si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona.
Saaka ayaa la arkay dad badan oo u jeeda goobaha kaniisadaha kuwaas oo ana xirneen af-xirka ama maaskarada.
Awaamirta dowladda ayaa ka mid ah in la xirto maaskarada,gacmahana la nadiifiyo waqti walba si looga hortago faafitaanka cudurka halista ah.
Balse dad badan ayaa ka dhaga furaystay talooyiinka wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo hay’adda caafimaadka aduunka WHO.
Kenya ayaa shalay laga diiwengeliyay tiradii ugu badneyd ee maalin qura taas oo ah 688 kiis oo fayraska Covid_19, taas oo tirada guud dhigtay 12,750.
Waxaana sii kordhaya kiisaska COVID-19 dalka iyadoona dadka loogu baaqay inay taxadar muujiyaan.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi kagwe ayaa sheegay in la is-badbaadiyo si uusan u kordhin cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here