Xukumadda Iran oo hakineysa heshiiskii Nukliyeerka

Madaxweynaha wadanka Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta shaaciyay in dalkiisa uu hakin doono mamnuucista kaydinta macdanta Uranium-ka iyo biyaha culus, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiskii caalamiga ee sanadii 2015-kii laga gaaray barnaamijka nukliyeerka dalkaas.
Heshiiskan oo Iran ay la gashay Britain, China, France, Russia, Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa Iran ay ku ogolaatay inaysan keydsan wax ka badan 300 oo kilogram oo ah macdanta uranium-ka ee la cusleeyey ah.
Iran ayaa sidoo kale ogolaatay inaysan keydasan biyaha culus ee loo adeegsado warshadaha nukliyeerka.
Xukumadda Iran ayaa ogolaanshahan ku beddelatay in laga qafiifiyo cunaqabateynta dhaqaale, hase yeeshee Mareykanka ayaa dib usoo rogay cunaqabateyntaas, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu heshiiska ka baxay.
Madaxweyne Rouhani ayaa sheegay in dalalka kale ee qeybta ka ah heshiiska aysan kasoo bixin ballan-qaadyadooda islamarkaana ogolaadeen in xayiraadda Mareykanka ay saameyso saliidda Iran dhoofiso iyo bankiyadeeda.
Waxa uu madaxweynahan Iran u qabtay muddo 60 maalmood inay is-beddelo ku sameeyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here